(Akhriso) Taariikh nololeedka Xubnaha golaha dhaqaalaha Qaranka oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib

Golaha dhaqaalaha Qaranka ee maanta lagu daah-furay Muqdsiho ayaa waxaa xubna ka ah 9 dhaqaala yahan oo shan kamid ah ay Soomaali yihiin

Dhaqaala yahannada Soomaalida ah ee ku jira golaha dhaqaalaha Qaranka ayaa kala ah:

Dr. Ali Issa Abdi waa agaasimaha maamulka HESPI. Waxa uu PhD ka diyaariyay dhaqaalaha, master-kana waxa uu ku diyaariyay maaliyadda caalamiga ah. Waxa muda dhan 20 sano uu hey’adda lacagta aduunka kula shaqeeyay dhaqaala yahan sare, isaga oo  uga hawl galay Tanzania Ethiopia. Waxa uu la shaqeeyay Shirkadda bixisa adeegga Dhaqaalaha ee Citibank iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Waxa uu macallim ka noqday jaamacado badan oo ku yaalla Maraykanka. Dr. Ali waxa uu talooyinka siyaadadda dhaqaalaha siiyay in ka badan 30 dal oo ku yaalla Afrika, Bariga dhexe iyo galbeedka Hemisphere.

 Dr Aues Scek: waxa uu PhD ku diyaariyay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu la taliye dhaqaale kasoo noqday Barnaamijka GIZ ee wadamada Swaziland, Kenya, Malawi iyo Germany. Waxa uu UNDP kala shaqeeyay barnaamijka PFM, dib u qaabaynta siyaasadda dhaqaalaha iyo barnaamijka Kormeerka Iyo Qiimaynta. Dr Aues waxa uu ku shaqeeyay la taliye sare oo dhanka miisaaniyadda ah. Waxa uu talooyin siinayay Bagiga dhexe ee Soomaaliya. Waxa uu in ka badan 25 sano oo khibrad u leeyahay dib u habaynta maamulka dawliga ah, horumarinta istaraatiijiyadda siyaasadda iyo siyaasadda maaliyadda. Dr Scek waxa uu macallim ka noqday jaamacado ku yaalla Europe, Africa iyo Maraykanka. Waxa uu qoray maqallo iyo warbixinno la xariira Miisaaniadda, Qorshaynta, dawlad wanaagga, Istaraatiijiyadda yaraynta Faqriga iyo Kormeerka Iyo Qiimaynta.

Dr. Hussein Warsame waxa uu Associate Professor ka yahay Iskuulka ganacsiga ee Haskayne, waxa agaasime ka yahay qaybta Master-ka ee siyaasadda Dawliga ah ee jaamacadda Calgary. Waxa uu PhD ku diyaariyay maamulka MBA ayuu ku diyaariyay Xisaabaadka. Waxa uu macallim ka noqday jaamacada ku yaalla imaaraadka Carabka Koofur Afrika, Peru iyo sidoo kale jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu ku guuleestay abaal marinno Muhiim ah. Dr Warsame waxa uu wax ku daabacay joornaallo wax ka qora xisaabaadka iyo canshuuraha. Waxa uu xubin ka noqday guddiga sare ee qiimeeya magaallada Cilmiyeed ee lagu daabaco Joornaalla dhawr ah oo ka faallooda xisaabadka iyo ganacsiga. Waxa uu Bagiga aduunka talooyin ka siiyay canshuurta, daah-furnaanta dakhliga kasoo xarooda saliidda iyo shidaalka, waxa uu xubna ka socda baarlamaannada jamhuuriyadda Dimuquraadiga Koongo, Koongo Cameron iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe siiyay tababarro la xariira canshuurta, daah-furnaanta dakhliga kasoo xarooda saliidda iyo shidaalka, waxa uu sidoo kale la talin iyo tababarro siiyay bankiga dhexe.

Hussein M Siad waxa uu xirfad wanaagsn u leeyahay horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu master ku diyaariyay dhaqaalaha iyo maamulka. Waxa uu in ka badan 30 sano oo  khibrad ah u leeyahay nakhshadeynta iyo wada xaajoodka barnaamijyada gargaarka iyo dib u habaynta siyaasadda dhaqaalaha. Waxa uu kasoo shaqeeyay wadamada Kenya, Lebanon, Somalia, Zimbabwe iyo Mauritius. Waxa uu soo noqday wasiir ku-xigeenka maaliyadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu la shaqeeyay Bangiga aduunka, Bangiga horumarinta Islaamka, Hay’adda Lacagta Aduunka, hay’adda gargaarka ee Mareykanka, Bankiga horumarinta Afrika, Midawga Yurub iyo UNDP.

Sakhawadin Mustafa Mohamed waxa uu PhD iyo master ku diyaariyay dhaqaalaha, waxa uu khibrad u leeyahay falanqaynta maamulka iyo siyaasada dhaqaaalaha dawladda. Waxa uu dhinacya badan kala soo shaqeeyay Minnesota State isaga oo noqday agaaasimaha cutubka dhaqaalaha, waxa uuna hogaan usoo noqday cutubka cilmi baaaritsa shaqaalaha iyo falanqaynta dhaqaalaha ee Waaxda shaqaalaha iyo warshadaha. Sakhawadin waxa uu soo noqday qorsheeye dhaqaale iyo isku dubba ridaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Waaxda bad-qabka bulshada ee Minnesota. Sakhawadin waxa uu la talin u sameeyay hay’ado caalami ah oo ay kamid yihiin mu’assasada Oslo ee nabadda iyo xarunta nabadda iyo wadahadalka ee  Nansenb.

Dhaqaala Yahannada aan Soomaalida ahayn ee la shaqaynaya Golaha dhaqaalaha Qaranka

Dr. Abdalla A. HAMDOK waa ku-xigeenka xoghayaha iyo madaxa dhaqaala yahannada guddiga dhaqaalaha qaramada midoobay u qaabishan Afrika, waxa uu Ph.D. ku heestaa dhaqaalaha. Waa falanqeeye siyaasadeed, waxa khibrad ka badan 30 sano u leeyahay dib u habaynta ha’aydaha dawliga ah, dawlad wanaagga iyo maamulka Khayraadka. Waxa uu hoggaan u noqday qayba xoog leh oo daraaseeya caqabadaha soo wajaha horumarada kala duwan ee siyaasadda Afrika. Waxaa uu hoggaan u noqday qorshayaal kala duwan oo ay fuliyeen guddiga dhaqaalaha Afrika (ECA) oo khuseeya horumarinta siyaasadda maamulka, dawlad wanaagga iyo maamulka dawliga ah. Intii u dhexeysay 2003-2008, waxa uu la shaqeeyay machadka caalamiga ah ee taageera doorashooyinka, isaga oo agaasime uga noqday bariga dhexe iyo qaaradda Afrika.

 Dr. Peter J. Middlebrook waa maamulaha guud ee  Geopolicity Inc.  waa dhaqaale yahan lasoo shaqeeyay Bangiga aduunka, Midawga Yurub iyo dawladda Ingiriiska, waxa uu kasoo shaqeeyay in la badan 40 dal oo dunida daafaheeda ah. Waxa uu hormuud u noqday Hindisayaal muhiim ah oo ay kamid ahayd nakhshadaynta qorshaha xasilinta carabta ee ay ku bexeysay 100 bilyan oo doollar.

 Dr. Edward Sambili waxa uu PhD ku sameeyay dhaqaalaha; waxa uu master ku diyaariyay  horumarinta iyo ganacsiga caalamiga ah. Dr. Edward Sambili waxa uu leeyahay in ka badan 33 sano oo khibrada ah; horumarinta dhaqaalaha. Waxa uu xubin ka yahay golaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee qaramada midoobay, waa la taliyaha dhaqaalaha ee UNDP Kenya. Dr Sambili waxa uu noqday xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda qorshanta iyo horumarinta dhaqaalaha ee dalka Kanya. Dr. Edward waxa uu gudoomiye kasoo noqday guddiga sare ee dakhliga Kenya intii u dhexeysay 2016 iyo 2018. Waxa uu gudoomiye ku-xigeen ka noqday bankiga dhexe ee Kenya.

 Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu Ph.D. ku diyaariyay dhaqaalaha gaar ahaan dhaqaalaha caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah khibrad ugu leeyahay siyaasadda ganacsiga, dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka dawliga ah. Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu ka tirsanaa jaamacadda Nairobi laga soo billaabo 1983 isaga oo ka dhigayay dhaqaalaha caalamiga ah. Dr Nehemiah Kipkoech Ngeno waxa uu cilmi baaris ka sameeyay siyaasadda ganacsiga iyo dib u habaynta dhaqaalaha. Waxa uu noqday madaxa dhaqaalaha ee Madaxtooyada Kenya. Waxa uu gudoomiye kasoo noqday qaybta horumarinta beeraha iyo reer miyiga Kenya intii u dhexeysay 1999  iyo 2001.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -